
Shirar kala duwan oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu go’aamiyay in Madasha Samatabixinta ay jawaab rasmi ah ka bixiso qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan ka qeybgalka shirka uu ku casuumay dhinacyada mucaaradka sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Allbanaadir Online.
Madasha Samatabixinta ayaa soo dhoweysay hindisaha wadahadalka ee u dhexeeya Soomaalida, iyadoo sheegtay in wadaxaajood iyo is-afgarad siyaasadeed ay muhiim u yihiin sidii xal looga gaari lahaa xaaladaha cakiran ee dalka ka jira.
Dhanka kale, Madasha Samatabixinta ayaa magacowday saddex xubnood oo ka mid noqonaya guddiga wadaxaajoodka ee la fariisanaya dhinaca dowladda, ka hor 14-ka bishan, si ay uga wada hadlaan diyaarinta ajande ay ku qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada ka qeybgalaya wadahadallada.
Xubnaha loo magacaabay guddigan ayaa kala ah Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo labada Xildhibaan ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Carab.
Guddigan ayaa la filayaa inuu dowladda kala xaajoodo qodobada muhiimka u ah wadahadallada, si loo helo ajande mideysan oo saldhig u noqda shirka la qorsheynayo inuu dhexmaro dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in Madasha Samatabixinta ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dowladda, inkastoo weli ay jiraan arrimo siyaasadeed oo u baahan in dhinacyadu isku fahmaan ka hor inta aan la guda gelin wadaxaajoodka rasmiga ah.
Wadahadalladan ayaa ku soo aadaya xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira jihada geeddi-socodka siyaasadda, doorashooyinka iyo mustaqbalka heshiiska siyaasadeed ee ay tahay in dhinacyada Soomaaliyeed ka gaaraan arrimaha masiiriga ah ee dalka.




















