
Axmed Shide ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, isagoo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee qabta xilka hoggaanka aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka 7-aad ayaa lagu doortay Axmed Shide kadib doorashadii guud ee dalka ka dhacday 1-dii Juun 2026. Isla kalfadhigaas ayaa sidoo kale lagu magacaabay Abiy Axmed oo mar kale loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Axmed Shide oo kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muddo dheer kasoo shaqeynayay dowladda federaalka, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo sare. Xilkii ugu dambeeyay ee uu hayay wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya.
Marka loo eego awoodda hay’adda uu hadda hoggaaminayo ee Golaha Wakiillada Shacabka wuxuu leeyahay door muhiim ah oo ku saabsan sharci-dejinta federaalka iyo kormeerka hay’adaha dowladda.
Hase yeeshee, xilka Axmed Shide ma noqonayo markii ugu horreysay ee siyaasi Soomaali ah uu hoggaamiyo mid ka mid ah labada aqal ee baarlamaanka Itoobiya. Aadan Faarax Ibraahim ayaa sanadkii 2020 loo doortay Guddoomiyaha Golaha Federaalka, oo ah aqalka sare ee baarlamaanka dalka.
Kala duwanaanshaha ayaa ah in Axmed Shide uu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka, kaas oo ah aqalka hoose iyo mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee sharci-dejinta Itoobiya.



















