
Turkiga iyo Pakistan ayaa sheegay inay ciidamo si degdeg ah ugu daabulayaan Sacuudi Carabiya, taas oo qeyb ka ah hirgelinta heshiis cusub oo difaac wadajir ah oo ay saddexda dal ku mideysan yihiin, xilli dagaalka Yemen uu mar kale galay marxalad cusub.
Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay Isniintii kadib kulan degdeg ah oo magaalada Riyadh ay ku yeesheen wakiillo ka kala socday Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan.
Saddexda dal ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerarradii dhowaan lagu qaaday Sacuudiga, gaar ahaan kuwa lagu beegsaday magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina, inkasta oo bayaankooda aysan si toos ah ugu magacaabin Xuutiyiinta Yemen.
Waxay xaqiijiyeen “diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee weerar ama hanjabaad kasta oo lagu beegsado ammaanka iyo midnimada dhuleed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya”.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo waajibaadka difaaca wadajirka ah, lana diyaariyo ciidamadii iyo awoodihii milatari ee lagu heshiiyay, si loogu daabulo Sacuudiga muddo kooban gudaheed.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiiska loo yaqaan Mecca Pact, kaas oo Riyadh u adeegsanayo inuu xoojiyo iskaashiga dhinaca ammaanka iyo difaaca ee uu la leeyahay Ankara iyo Islamabad.




















