Q/M oo Black listiga kasaartay Ahlu Sunna Waljamaaca.

7

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay ee Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca looga saaray liiska xadgudubyada loo gaysto carruurta, xilliyada colaadaha.

Warbixin sanadle ah oo kasoo baxday QM oo ku saabsan carruurta iyo colaadaha hubeysan, ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay in Ahlu Sunna looga saaray liiska dhinacyada ku lugta leh xadgudubyada carruurta ee xilliyada dagaallada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo iyadu ka qayb-qaadatay dadaallada la sameeyay ayaa soo dhaweysay go’aanka Qaramada Midoobay, waxayna sheegtay in arrintan lagu gaaray geeddi-socod, qiimeyn iyo wada-tashiyo ay ka qeyb qaateen hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Ahlu Sunna ayaa muddo ku jirtay lifaaqyada warbixinnada Qaramada Midoobay ee carruurta iyo colaadaha hubeysan, basle waxaa hadda la xaqiijiyay in ururkaasi aanu hubeysneyn, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.