Qandaraas lagu dhisaayo Waddada Gaalkayo–Hobyo oo lasaxiixay.

12

 

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee Waddada Gaalkayo–Hobyo, gaar ahaan qaybta u dhaxaysa Gaalkayo iyo Ceelguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Casir, Agaasimaha Guud ee IBS Bank, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, wakiillo ka socday GOB Community Organisation, iyo masuuliyiin ka tirsan shirkadda KKATT Consult Limited oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee shirkadda, Injineer Kato Kagga.

Waddada Gaalkayo–Hobyo ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan uguna istiraatiijisan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha dalka iyo dekedaha ku yaalla xeebaha Badweynta Hindiya. Bulshada deegaanka, ganacsatada, qurbo-joogta iyo maamullada kala duwan ayaa sannado badan dadaal ku bixiyay hirgelinta mashruucan, iyagoo u arkayay mid muhiim u ah kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka, xoojinta amniga iyo kor u qaadista isdhexgalka dhaqaalaha dalka.

Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta 100-ka kiiloomitir ee Gaalkayo–Ceelguula ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo saldhig u noqon doonta hirgelinta iyo dhismaha guud ahaan Waddada Gaalkayo–Hobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.

Wasiir Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa munaasabadda ka sheegay in mashruucani uu leeyahay muhiimad gaar ah oo ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka. Waxa uu ammaanay dadaalka iyo go’aanka ay muujiyeen GOB Community Organisation iyo dhammaan dhinacyada ka shaqeeyay hirgelinta mashruucan.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay kaalinta muuqata ee bulshada iyo daneeyayaasha kala duwan ay ka qaateen abaabulka taageerada mashruuca, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Dowladda Galmudug, bah-wadaagta horumarinta, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo bulshada deegaanka si loo dardargeliyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.