![]()
Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in meel wanaagsan ay marayaan wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah. Wada-hadalladan oo maray dhowr wareeg ayaa waxaa hormuud ka ahaa ergo ka socota dowladda dhexe oo uu hoggaaminayo Taliyaha NISA, Mahad Salaad, kuwaas oo la kulmay Madaxweynaha Galmudug, iyadoo ugu dambeyn la gaaray is-afgarad hordhac ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo saacadaha soo socda ku wajahan Dhuusamareeb, ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato dhammaystirka heshiiska labada dhinac, si loo soo afjaro xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, kadibna loo guda galo doorashooyinka maamulka.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale laga dareemayaa qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay, lana geeyay ciidamo dheeraad ah goobaha muhiimka ah si loo sugo amniga wafdiga iyo guud ahaan caasimadda maamulka.
Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay doonayso isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Galmudug, iyadoo qorshuhu yahay in doorashada madaxtinimada ee la filayo bisha July lagu doorto musharrax ka socda urur-siyaasadeedka JSP. Waxaa si weyn loo hadal hayaa in ganacsade Liibaan Axmed Xasan uu noqon karo musharraxa ay taageerayso madaxtooyadu, haddii uusan isbeddelin mowqifka taageerada loo hayo.
Dadka reer Galmudug ayaa si dhow ula socda xaaladda taagan, iyagoo ka cabsi qaba in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho midnimada iyo jiritaanka maamulka. Dhawaan Villa Soomaaliya ayaa doorasho ka qabatay Koonfur Galbeed, halkaas oo isbeddel uu ka dhacay kadib markii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe, uu ku guuleystay doorashada isagoo ahaa musharraxii uu taageerayay xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




















