
WAR SAXAAFADEED
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Boliiska Caasimadda, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysaneyaal ku howlanaa abaabulka falal rabshado ah oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Caasimadda.
Eedeysaneyaashan oo kala ah: Cabdihakim Muxyadiin Sheekh Cali, Muscab Mire Indhayare, Cabdulxamiid Cabdikariin Xuseen iyo Xamdi Cabdi Caddow, ayaa ku eedeysan ku lug lahaanshaha falal abaabulan oo khatar ku ah amniga iyo deganaanshaha Caasimadda.
Dhammaan eedeysaneyaasha waxaa hadda ku socda baaritaanno hordhac ah, waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh si loo marsiiyo habraaca sharciga.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Boliiska Caasimadda, Waxay uga digayaan cid kasta oo ku howlan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada, in laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga dalka.
DHAMMAAD





















