Xiisadda Qoor-Qoor iyo Xasan oo kasii dartay.

34

 

Xiisad siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka maamulka Galmudug ayaa haatan kasii dareysa kadib tallaabooyin cusub oo ay qaaday Villa Somalia, kuwaas oo muujinaya isbeddel weyn oo ku wajahan maamulkaasi.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay amar ku siisay dhammaan saldhigyada booliska, NISA iyo ciidamada milatariga ee ku sugan Galmudug in aysan amar ka qaadan karin Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Sida ay xoguhu tilmaamayaan, ciidamadaasi waxaa si toos ah amarrada uga soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, taas oo loo fasirtay tallaabo si weyn u wiiqeysa awoodda maamulka Galmudug, isla markaana sare u qaadeysa xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay u muuqato inay go’aan ku gaartay in isbeddel degdeg ah laga sameeyo maamulka Galmudug, xilli ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay magaalada Dhuusamareeb gaaraan Taliyaha Qaybta Booliiska Galmudug, Korneyl Maxamed Daahir iyo taliye ku-xigeenka Booliiska Galmudug, Kaniif, kuwaas oo halkaasi kulamo kula yeelan doona saraakiisha ciidamada dowladda federaalka.

Magacaabista Col. Maxamed Daahir ayaa waxaa buriyay Qoor-Qoor, kadib markii dhawaan dowladda dhexe u magacowday Galmudug, isagoo xilka kusoo celiyay taliyihii xilka laga qaaday ee Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, taas oo muujinaysa sida ay uga sii dareyso xiisadda labada dhinac.

Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa si weyn uga howlgala ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo mushaar iyo amarba ka qaata dowladda dhexe, halka garoonka magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Danab, Gorgor iyo ciidamada dowladda Jabuuti.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in magaalada aysan ku sugnayn ciidan gaar ah oo si toos ah ay u maamusho Galmudug, taas oo sii xoojisay saameynta dowladda dhexe ku leedahay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee caasimadda maamulkaasi.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in maalmaha soo socda Dhuusamareeb ay gaari doonaan musharrax ay wadato Villa Somalia iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay gogol-xaar u yihiin isbeddel siyaasadeed oo cusub oo ka dhaca Galmudug.