Xasan Sheekh oo ka degay Dhuusmareeb + Sawirro

21

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaasi oo si diirran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed e Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan.

Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Galmudug, taasi oo ay ka qaybgalayaan madaxda Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa iyaguna saaka gaaray magaalada Dhuusamareeb, si ay goobjoog u noqdaan caleemo-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in goordhow ay bilaabato munaasabada oo ay sidoo kale ka qayb-galayaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, taas oo ka dhigan in caleemo saarkan uu kulmiyay muxaafad iyo mucaarad ku kala aragti duwan siyaasadda dalka.