Firdhiye oo Dhuusamareeb tagay +SAWIRRO.

16

 

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye, oo ka qeybgalaya munaasabadda caleemo-saarka madaxda cusub ee Galmudug.
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dowlad-goboleedyada, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Liibaan Axmed Xasan ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Waqooyi Bari booqashada iyo ka soo qeybgalka munaasabadda, isaga oo sheegay in ka soo qeybgalka madaxda dowlad-goboleedyadu uu muujinayo xiriirka iyo walaaltinimada ka dhexeeya maamullada dalka.

Munaasabadda caleemo-saarka madaxda cusub ee Galmudug ayaa waxaa ka qeybgalaya madax iyo mas’uuliyiin ka kala socda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.