Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo xabsiga ka baxsaday

2300

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa goor dhow barteeda Twitterka ku shaacisay inuu xabsigii uu ku xirnaa ka baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan.

Taliyaha ayaa sheegtay inay ciidamada Ammaanka ku raad joogaan Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday halkii ay ku xirtay Dowladda Soomaaliya, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin qaabka uu u baxsaday.

Wasiir Janan ayaa la rumeysan yahay inuu muddo todobaadyo ah ku xirnaa Xarunta Dambi Baarista ee CID iyo Midda NISA, inkastoo aan hadda si rasmi ah loo geyn halka uu ku xirnaa marka uu baxsanayey.

Taliyaha ayaa dadka Shacabka ah ka codsatay inay Laamaha amniga kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan Wasiir Janan ama ay helaan xog ku saabsan.

Bishii Agoosto Sanadkii 2019 ayey aheyd markii Wasiir Janan laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

Wasiir Janan ayaa lagu soo oogey dambiyo badan markii uu dhawaan kasoo muuqday maxkamad inkastoo aan faahfaahin laga helin maxkamadeyntiisa.