Ahlu Sunna oo soo xushay xildhibaano cusub

1797

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegayo in Ahlu Sunna Waljamaaca ay Maanta ku dhawaaqday liiska Xildhibaano cusub oo gaarayo illaa 69 Xildhibaan.

Ahlu Sunna ayaa ku sheegtay Xildhibaanadaan inay yihiin Xildhibaanadii labaad ee Maamulka Galmudug, waxayna ku biiri doonaan 20-kii hore oo ay Ahlu Sunna ku dhawaaqday sida uu sheegay Gudoomiyaha ay Ahlusunna u saartay xulidda xildhibaannada iyo xallinta khilaafaadka Maxamed Yaxye Faarax.

Tallaabadaan ay qaaday Ahlu Sunna ayaa qeyb ka ah Khilaafka ka taagan doorashada Galmudug, waxaana hadda muuqato inay Magaalada Dhuusamareeb marti gelin doonto laba doorasho iyo laba madaxweyne.

Sida uu sheegay Maxamed Yaxye Faarax Xildhibaanada lasoo xulay ayaa dooran doono Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen kadibna waxaa loo gudbi doonaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Cabdulqaadir Sheekh Cali Kulmiye Xoogsade ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Galmudug garabka Ahlu Sunna.

Maalinta Khamiista ah ayaa la filayaa inay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ay qaban qaabadeeda wadaan taageerayaasha Dowladda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Xaaladda Maamulka Galmudug ayaa noqotay mid cakiran, waxaana laga cabsi qabaa inay Galmudug yeelato seddex madaxweyne marka la fiiriyo sida hadda xaalku yahay maadaama madaxweyne Xaaf uu isna Gaalkacyo ka wado howlaha dhismaha Maamulka Galmudug.