3 Saxiix Oo Dab Ah Oo Uu Florentino Pérez Ku Fashilmay In Uu Keeno Real Madrid & Messi Oo Hogaaminaya

1731

Wargayska Defensa Central ayaa kashifay 3-dii saxiix ee ugu weyna ee uu Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Pérez ku fashilmay in uu keeno Los Blancos intii uu hogaaminayay kooxda Real Madrid.

Wargaysk ayaa sheegay in uu Perez kooxda keenay xiddigo badan oo waaweyn oo cajiib ah oo ay ka mid yihiin Luis Figo, Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo, Cristiano, Bale, James, Hazard iyo xiddigo badan oo kale.

Laakiin Madaxweynaha ayaa ku fashilmay in uu keeno saddex xiddig oo uu si weyn u doonayay waliba wax walba u sameeyay sidii uu kooxdiisa u keeni lahaa kooxda.

Xiddigahaas ayuu xiddiga ugu horeeya yahay Halyeeyga Liverpool iyo xulka qaranka England ee Steven Gerrard kaas oo uu Perez dhawr jeer isku dayay in uu keeno Bernabue laakiin kumuu guulaysan.

Xiddiga kale ee uu Madaxeynaha Real Madrid isku dayay in uu keeno Los Blancos ayaa ah xiddiga haatan u ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo uu muddo dheer ku raad joogay laakiin ayna ilaa haatan u suurtagalin.

Xiddiga ugu dambeeya ayaa ah xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo iska diiday Real madrid markii ay dalabka Rasmiga ah ka gudbisay sanadkii 2012.

Perez ayaa wakhtigaas diyaar u ahaa in uu bixiyo lacagta 250-ka milyan ah ee lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga laakiin Messi ayaa doorbiday in uu iska sii joogo Barcelona.