DAAWO:- JAALIYADA PUNTLAND EE NORWAY OO TAAGEERTAY MADAXWAYNE DANI

2955

Xafladaani oo aheyd mid si heer sare loosoo agaasimay islamar kaana ee ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan bulshada ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Oslo ee caasimada wadanka Norway.

Munaasabadaani oo ahayd mid taageero loogu muujiyey madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Mudane Saciid C/laahi Dani ayaa waxaa soo qaban qaabisay jaaliyadda Puntland ee Magaalada Oslo oo ah jaaliyad aad u ballaaran marka loo eego jaaliyadaha kale ee Soomaalida ku sugan guud ahaan dalka Norway.

Dadkii ka soo qeyb galay munaasabada soo dhaweynta madaxweynaha dhawaan la caleemo saaray ayaa isugu jiray Culumaa’udiin, aqoonyahano, Siyaasiyiin, Haween, Dhalinyaro oo dhammaantood ay ka muuqatay farxad iyo yididiilo ay u qabaan madaxweynahaasi.

Waxay Jaaliyada Puntland ee dalka Norway ka codsadeen madaxweynaha cusub inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadiisii ay ka mid ahaayeen in deegaanada Puntland uu gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah. Cod geli halkaas.

Qaar ka mid ah haweenkii xaflada ka hadlay ayaa sheegay in qoondadii dumarka ay halkaasi ka maqan tahay, iyagoo madaxweynaha ka codsaday inuu kusoo daro golaha Wasiirada la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo tiro haween ah, maadaama sida ay tilmeen hal kursi ay ku leeyihiin golaha shacabka Puntland. Cod.

Ugu danbeyntii xaflada waxaa qadka taleefoonka kaga qeyb galay Madaxweynaha cusub maamulka Puntland Saciid C/laahi Dani oo u mahadceliyey jaaliyada Puntland ee dalka Norway gaar ahaan magaalada Oslo oo ay munaasabadu ka dhacday.

Ma ahan markii ugu horaysay jaaliyada Puntland munaasabado taageero madaxweyne ku qabtaan magaalada Oslo ee dalka Norway, hase ahaatee xafladaan soo dhaweynta madaxweyne Dani ayaa ahayd mid ka duwan kuwii hore.

Salaad Xuseen Daacad.
Oslo Norway.