Manchester City Oo dirqi kaga badisay Bournemouth +SAWIRRO

1943

Manchester City ayaa guul muhiim u ah xilli ciyaareedkeeda kasoo gaadhay kooxda Bournemouth oo ay marti ugu ahayd Vitality Stadium waxaana ay kusoo adkaadeen 0-1.

Goolka madiga ah ee kulankaas ayuu Sky Blues usoo dhaliyay Riyad Mahrez oo bedel ku yimid kaddib dhaawac gaadhay De Bruyne waxaana ay markale si kumeel gaadh ah ugu laabteen hoggaanka.

Falanqaynta Kulanka

Kulanka ayaa sidii la filayay ku bilawday inay kubadda haysato kooxda martida ahayd ee Manchester City oo markiiba xooga saartay sidii ay kubadda ku haysan lahayd.

Otamendi ayaa bilawgii kulanka ku dhawaaday inuu darbad madax ah goolka dhex dhigo balse isku daygiisa ayaa gees maray goolka goolhaye Boruc.

David Silva ayaa markale isku dayay inuu goolka ugu daah furo kulanka kooxdiisa Manchester City isaga oo meel dhaw ka helay baas uga yimid De Bruyne balse xiddiga ree Spain ayaa ku fashilmay inuu si toos ah kubadda ugu aadiyo goolka.

Manchester City ayaa heshay fursado door ah balse aan wax halis ah oo balaadhan lahayn, Daafacyada Otamendi iyo Stones ayaa darbado madax ah khasaariyay halka Sterling iyo Smalling ay sidoo kale lumiyeen fursado.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah oo ay labada dhinac isku mari waayeen.

GOOAL: Manchester City ayaa qaybtii dambe ee kulanka lasoo laabatay baahi badan oo u sahashay goolka furitaanka, Mahrez oo bedel ku yimid ciyaarta ayaana goolhaye Boruc dhinac mariyay laag hoose kaddib caawin uga timid David Silva.

Intaa kaddib City ayaa halkeeda kasii waday fursadaha ay doonayso inay ku disho hammiga Bournemouth waxaana fursado halis ah goolka la beegsaday Sterling iyo Aguero walow ay dhaafin waayeen goolhayaha.

Sterling ayaa si fool ka fool ah kubadda ula hortagay goolka Cherreis balse waxa kubadda gacanta kaga celiyay intuuna laagin goolhayaha kooxda martida loo ahaa.

Mahrez ayaa markale ku dhawaaday inuu goolka labaad ee kulankan u keeno kooxdiisa balse fursad xaqiiq ah oo uu meel aad u dhaw ka helay ayuu ka beeniyay goolhaye Boruc.

Ugu dambayn kulanka ayaa kusoo dhammaaday guul muhiim ah oo ay gaadhay Manchester City waxaana ay goolka uga mahad celinayaan Mahrez.