Ciidanka Kenya oo Faarujiyay Buusaar

1785

Wararka laga helayo deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku waramayaan in saakay waaberigii hore ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaankaas oo mudo dhowr sano ah ay ku sugnaayeen.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in kaliya ay saakay arkeen Ciidamada Kenya oo isaga baxaya Saldhigyadii ay ku lahayeen deegaanka Buusaar, kuwaas oo aaday dhinaca degmada Ceelwaaq ee isla Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada Kenya weli mashaacin sababaha ay deegaankaas uga baxeen, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada Kenya 2-dii Bishaan Maarso ay isaga baxeen deegaanka Faafax dhuun,isla markaana ay la wareegeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in markii ciidamada Kenya ay ka baxeen deegaanka Buusaar ay durba la wareegeen Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeen deegaankaas oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee Gobolka Gedo.

Maamulka deegaanka Buusaar ayaa horay u sheegay in Ciidamada Kenya ay dhawaan ka bixi doonaan deegaankaas, hayeeshee aysan faah faahin ka bixin sababta ka dambeysa,waxaana jira in deegaano kale ay qorsheynayaan inay ka baxaan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.