Shimbir lagu iibsaday 1.42 milyan oo doolar

2238

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa shimbir lagu iibsaday lacag ka badan Hal Milyan oo Dollar, waxa ayna sheekadan noqotay mid hadal heyn badan abuurtay oo siyaabo kala duwan Warbaahinta wax uga qortay.

Shimbirtan oo nuuceeda aysan dunida ku badneyn oo 5-sano jir ah ayaa lagu iibsaday lacag gaareysa 1.42 milyan oo doolar, waxaana shimbirtan iibsaday nin maalqabeen ah oo u dhashay dalka Shiinaha.

Olole lagu xaraashayay shimbirtan ayaa waxaa kasoo qeyb galay maalqabeeno badan, waxaana qiimihii ugu horreeyay ee lagu soo beec geeyay shimbirtan ay aheyd 321 kun oo doolar, waxaana beeca sare u qaaday tartan loo galay shimbirtan iibkeeda.

Nikolaas Gyselbrecht, oo ah madaxa shirkadda PIPA ee shimbirtan iibineysay ayaa sheegay in aysan marnaba fileyn in lacag intaan la eg lagu iibsan doono shimbirtan, waxa uuna cadeeyay in ay filayeen lacag gaareysa 400 kun oo doolar.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN