Man United oo ay xaalada ka xuntahay

1817

Kooxda Manchester United ayaa xaalad aan fiicneyn misna dhaawacyo gali doonto kadib markii ay iska soo daba dhaceen xidigaha dhaawac uu kasoo gaaray qaramadooda.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo liiska xidigaha dib ugu soo laabtay magaalada Manchester kadib markii la sheegay iney dhaawacyo qabaan:

1-Antonio Martial;

Waxaa dhaawac looga soo reebay liiska cayaartoyda xulka qarankiisa France waxaana la rajeynayaa in uu dib usoo laaban doono kadib markii fasaxyada qaran laga soo laabto.

2-Marcos Rashford;

Tababaraha qaranka England Gareth Southgate ayaa sheegay in Rashford uu qabo dhaawac anqowga ah isla markaasna uusan cayaari Karin kulamada qarankiisa.

Rashford ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Manchester asigoona haatan diirada saari doono inuu taam u noqdo kulanka isbuuca dambe ee Watford.

3- Matic;

Xulka qaranka Serbia ayaa sheegay inuusan cayaari Karin kulamada qarankiisa la cayaari doono xulalka Germany iyo Portugal dhaawac soo gaaray dartiis wuxuuna dib ugu soo laabtay magaalada Manchester.

4- Romelu Lukaku;

Wuxuu seegay kulankii ugu dambeysay ee kooxdiisa cayaartay tartanka FA Cup kadibna waxaa looga wacay qarankiisa iyadoo baaritaano la sameeyay lagu ogaaday inuu wali dhaawac qabo isla markaasna uusan kulamada qarankii Belgiumka cayaari Karin.

5- Luka Shaw;

Wuxuu xarunta tababarka England kaga soo tagay dhaawac asigoona haatan magaalada Manchester dib ugu soo laabtay walina lama shaacin mudada uu garoomada ka maqnaan doono waxaase macquul ah inuu cayaaro kulanka 30ka Marso kooxdiisa la cayaari doonto kooxda Watford.