Xildhibaan Iftin Xasan Baasto “Farmaajo wuu ku fashilmay hoggaaminta dalka”+VIDEO

1999

Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku furay Kalfadhiga 5aad Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Senatorka ayaa sheegay in sababta uu u maqnaaday Madaxweynaha ay tahay mid salka ku heysa khilaafka u dhexeeya labada Aqal ee baarlamaanka, taasoo uu Madaxweyne Farmaajo wax xal ah u waayay.

Iftiin Xasan Baasto ayaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu af cad ugu sheegay inaan Aqalka Sare furmeynin hadii uusan isaga furin Kalfadhigan 5aad, taasoo markii dambe dhacday sida Kheyre uu daneynayay.

“Ra’iisul Wasaare Kheyre marti ayuu ku ahaa kulanka, kaabba galaasnimada ayuu la yimid Aqalka Sare”ayuu yiri Xildhibaan Iftin Xasan Baasto

Madaxweynaha dalka Farmaajo ayuu u soo jeediyay inuu xilka uu dalka ka hayo iska casilo, isagoo ku eedeeyay in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay isu keeniddii Labada Aqal iyo hoggaamintii dalka.

Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa ugu dambeyn sheegay in in Ra’iisul Wasaare Khayre marti Sharaf ahaan loogu Casuumay madasha, balse ay arkeen isagoo isu diyaarinaya inuu qaato kalmadii Madaxweynaha ee furitaanka, wuxuuna sharci ahaan sheegay in hadii la waayay Farmaajo ay aheyd inuu Guddoomiye Cabdi Xaashi qaato furitaanka.