Xukuumadda Somaliland oo Weerar ku Qaaday Prof. Samatar iyo Cali Khaliif +VIDEO

1758

Xukuumadda Somaliland ayaa Markii ugu horaysaay dhaliil Xoogan u jeedisay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Mudooyinkii dambe Kulamo Siyaasadeed ku Qabanayey magaalooyin kala duwan.

Cabdikariin Maxamed Axmed [Xinif Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga ee Somaliland sheegay inaan Aqoonyahan Lagu sheegi Karin Siyaasiinta Prof. Axmed Samatar iyo Cali Khaliif Sida uu hadalka u dhigay.

“Aqoonyahan waxaan u Aqaan Qofka dadka wax kusoo Kordhiya, Sida wiilka Cadaado ku sameeyay Gaadhiga, iyo Wiilka hargeisa ku sameeyay Diyaaradda, Fiker cusub ayay keeneen oo waxbay soo kordhiyeen kuwaasi “.

Balse hadii Aqoonyahanku uu Noqdo Mid sheegaya Maraykanka Sidaas loogama Dhaqmo, oo uu kala garan waayo Waxaynu ku kala duwanahay, Marka dambana uu Hadalkiisa kusoo xidho Hadii aynu Nahay Reer Hebel waxbaa inaga Maqan, Kaasi Aqoon masoo Kordhine intii Odayaasha ayuu hada gaadhay “ Ayuu yidhi.

Dhinaca kale wuxuu Difaacay Xadhiga loo gaystay Xildhibaan Dhakool, Wuxuuna sheegay inuu Xildhibaan u ahaa Somaliland, oo Xasaanad uu Qofku ku leeyahay marka uu sharciga ilaaliyo.