Ciiddanka Xaftar oo afduubtay Muwaadiniin Turkish oo da’ ah

1729

2 Muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa lagu xiray Degmadda Ajadabiya oo 150 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Banqaasi ee dalka Liibiya.

Amar ka soo baxay Khaliifa Xaftar ayaana la sheegay in lagu xiray Labadaasi Nin oo Ganacsato ah, kuwaasi oo muddo 20-sanno ah ku noolaa, kana shaqeysan jirey dalkaasi.

Sidoo kale, Ciiddanka Khaliifa Xaftar waxay amar ku bixiyeen in la wada xiro dhamaan Maqaayadaha iyo Goobaha Ganacsiga ee ay dadka Turkishka leeyihiin, in la la tirtiro Astaamaha iyo magacyadda Turkishka ee ku yaalla dhamaan goobaha ganacsiga iyo Waddooyinka.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Huluski Akar waxa uu ku baaqay in la sii daayo Muwaadiniintooda ku xiran dalka Liibiya, ee ay Ciiddanka Khaliifa Xaftar gacanta ku hayaan.

Wasiirka waxa uu ka digay inay Turkiga qaadi doonaan tallaabo milliteri, haddii aysan Ciiddanka Khaliifa Xaftar si degdeg ah u sii daynin dadka Turkishka ee ay gacanta ku hayaan oo tiradoodu guud gaarayso ilaa 8 qof.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN