DAAWO:-Muuse Biixi oo weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo

1780

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Hargeysa ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay Go’ankii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas.

Waxa uu sheegay in markii ay tageen,isaga iyo wafdigiisa dalka Gini si weyn loosoo dhaweeyay,isla markaana warka kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya uu yahay mid la iska yiri.

“Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso,waxaana leeyahay anaga manihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya,isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso.