David De Gea Oo noqonaya goolhayaha ugu mushaharka badan kubada cagta

1714

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu goolhayaha kooxaha Man United ee David De Gea uu ogolaaday dalabkii ugu dambeeyay ee ay Man United u soo bandhigtay si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Kooxda Man United ayaa maalmihii la soo dhaafay goolhayaha miiska u saartay lacag dhan 350 kun oo Gini taas oo ka dhigaysa goolhayaha ugu mushaharka badan kubada cagta.

Sida laga soo xigtay wargayska The Sun, wadahadaladii ugu dambeeyay ee maamulka Man United iyo wakiilka xiddiga ayaa ku dhamaaday si fiican kadib markii uu goolhayaha reer Spain ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis 5 sano ah.

Heshiiska De Gea ee haatan ayay ka hadhsan tahay muddo 12 bilood ah isaga oo haatan kooxda ka qaata lacag dhan 200 kun oo Gini todobaadkii.

Goolhaye De Gea ayaa man United ka dalbanayay in ay miiska u saaraan lacag la mid ah mushaharka Alexis Sanchez si uu uga mid noqday xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda laakiin ugu dambayn waxa uu aqbalay in uu noqdo Goolhayaha ugu mushaharka badan adduunka.

Man United ayaa ku rajo weyn in ay saxiixa Goolhayaha ku dhawaaqdo ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka cusub bisha dambe.