Kheyre oo goordhaw gaaray Gaalkacyo

1727

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo saakay safar dhinac dhulka ah uga soo ambo baxay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa goordhaw gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre hogaaminayay waxaa si heer sare ah magaalada Gaalkacyo ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka, maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo magaalada Gaalkacyo la filayaa in uu la kulmo madaxda iyo waxgaradka ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo sidoo kale kulamo xog wareysi ah la qaato qeybo kamid ah bulshada Gaalkacyo.

Kheyre ayaa deegaanada Galmudug u joogay xoojinta dib u heshiisiinta maamulka Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa maamul mideysan oo ay raali isaga yihiin dadka ku dhaqan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.