RW Kheyre oo Muddo bil ah ka Dib muqdisho Ku Wajahan.

1818

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu maalinta biri ah imaanayaa Caasimada dalka ee Muqdisho si uu oga qayb galo aaska loo sameynayo Allaha uraxmadee Marxuum Eng Yariisaw oo laguwado in biri maydkiisa lakeeno Caasimada sida ay sheegeen ila wareedyo ku dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Marxuumka ayaa waxa uu khamiistii ku geeriyooday Dooxa Caasimada Dalka Qadar ayaa biri waxaa loo soo duulinayaa Caasimada Dalka.

Mudane Kheyre ayaa in kabadan bil iyo bar waxa uu ku sugnaa Galmudug isagoo xalinaya khilaafka siyaasadeed ee kadhextaagan Galmudug.

Raisul wasaare ayaa waxa uu ku guulaystay in uu isku soo dhaweeyo Ciidamada iyo Siyaasiyiinta Galmudug.

Ugu dambeyntii Mudane kheyre ayaa waxa lasheegayaa in uu labo maalin kusugnaan doono Muqdisho kadibna uu Dhusamareb ku noqon doono.