Muxuu Yahay Amarka Kheyre Uu Siiyay Hay’adaha Dowladda Iyo Beesha Caalamka

1898

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hey’adaha caalamiga ah ee ka howl gala dalka, faray in sida ugu dhaqsaha badan si buuxda ay uga qayb qaataan dadaallada deegaannada Xeraale iyo Huurshe uga soo kabsanayaan saameyntii xumeed ee ay ku reebeen dagaalladii dhiigga badani ku daatay.

Waxaa uu sidoo kale ku amray  dhammaan hey’adaha dowladeed ee ku shaqada leh in adeegyada nolosha aasaasiga u ah ay geeyaan Huurshe iyo Xeraale si bulshadu uga soo kabsato dhibaatooyinkii ka soo gaaray colaadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bulshadda degaanaddaasi ka dalbaday Adkeynta Ammaanka iyo sare u qaadida adeegyadda nabadgaliyada kasoo ifbaxday degaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Kheyre ayaa shalay gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.