Shaxda Laga Yaabo In Uu Jose Mourinho Tottenham Kaga Dhigo Koox U Tartanta Horyaalka Premier League

1947

Kooxda Tottenham ayaa shaqada ka Caydhisay tababare Mauricio Pochettino saacado kadibna tababare cusub u magacawday tababare Jose Mourinho kaa oo hogaamin doono kooxda ilaa 2023.

Kadib markii uu jose Mourinho la wareegay maamulka kooxda Tottenham wargayska Express Sport ayaa shaacisay shaxda laga yaabo in ay Tottenham ku ciyaarto labada sano ee soo socda.

Jose Mourinho ayaa noqday tababaraha cusub ee kooxda Tottenham iyaga oo shaqada ka caydhiyay Pochettino 6 bilood kadib makrii uu geeyay Finalka tartanka champions League.

Jose Mourinho ayaa kulankiisii ugu horeeyay hogaamin doona todobaadka dambe isaga oo bilaabi doona dhisida koox u tartanta horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska ayaa sheegay in uu Jose Mourinho kooxda Tottenham keeni doono 2 xiddig si uu ugu xoojiyo kooxda ugana dhigo koox u tartamaysa horyaalka premier League.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga kooxda Ajax ee Hakim Ziyech kaas oo wacdaro ka dhigaya horyaalka Holland horayna loola xidhiidhinayay saxiixa kooxda Tottenham.

Xiddiga kale ayaa ah Dayot Upamecano Kaas oo daafaca dhexe uga ciyaara kooxda reer Germany ee RB Leipzig kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Arsenal.

Tottenham