DAAWO Mid kamid ah Shabaabkii dilay Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lagu xukumay

3023

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin loo heysto weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur SHuute oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullahi Cali Aadan.

Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro iyo dilal loo geystay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Weerarka Xarunta Candiwali Cali Cilmi Yare ayaa waxaa uu dhacay 26-kii November 2018, waxaana AL-shabaab oo weerarkaas sheegatay mas’uuliyaddiisa ku doodday in C/Wali Cali Cilmi yare uu nabinimo sheegtay inkastoo Shiikhana uu arrintaas beeniyey mar uu wareysi siiyey Idaacadda BBC ka hor dhimashadiisa.

Ninkaan ka tirsan kooxdii weerarka kusoo qaaday Xaruntaas ayaa qirtay inuu gacantiisa ku dilay mid ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee dowladda oo halkaas u tagay sidii loo soo badbaadin lahaa dadkii ku go’doomay weerarkaas.

Guddooomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in, kadib markii ay dhageysatay doodii Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada iyo qareenkii difaacayey la cadeeyey in Cabdullaahi Cali Aadan uu ka tirsanaa Al-Shabaab galayna dambiga lagu soo eedeeyey,isla markaana lagu xkumay dil toogasho uu racfaan u furan yahay.