Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Roma ee Edin Dzeko xilli ay iska dhaafayaan saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Mario Mandzukic.
Kooxda Man United ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga Mario Mandzukic si ay ugu xoojiso weerarka kadib markii ay xagaagii iska dirtay xiddigaha Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez.
Laakiin wargayska ESPN ayaa haatan sheegaya in ay Man United doonayso in ay u dhaqaaqo saxiixa xiddigii hore ee kooxda Man City ee Dzeko kaas oo haatan 33 jir ah.
Isla wargayska ayaa sheegaya in sababta ay Man United u doorbidayso saxiixa Dzeko tahay khibrada uu u leeyahay premier league isaga oo 2 horyaal premier League kula guulaystay Man City.
Xiddiga reer Bosnia ayaa sidoo kale ka dhaliyay premier League 50 Gool taas oo siinaysa khibrad uu si deg-deg ah kula qabsado jawiga premier league.