Walaalka la dhashay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa kashifay siro ku saabsan ku biiistii xiddiga ee kooxda Liverpool ee xagaagii 2018.
Riccardo Giacconi oo ah walaalka Fabinho oo la hadlaya Le10 Sports ayaa yidhi”Man United, Man City, PSG iyo Juventus ayaa dhamaantood doonayay saxiixa Fabinho laakiin waxa uu doortay Liverpool”.
“Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee sida xoogan isugu dayday in ay hesho saxiixa Fabinho kadib markii uu Jurgen Klopp u sharaxay qaab ciyaareedkiiisa waxa uu doortay in uu ku biiro Liverpool waxana uu iska diiday kooxaha kale”.
Fabinho ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Liverpool isaga oo kooxda kula guulaystay champions league markii 6-aad ee taariikhdooda.
Liverpool ayaa xiddiga ka soo bixisay lacag dhan 45 milyan oo euro waxana uu ka mid yahay haatan xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool.