Saddexdii Arin Ee Uu Tababaraha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Arsenal U Sheegay Xiddigaha Arsenal Oo La Ogaaday

1740

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Freddie Ljungberg ayaa si ku meel gaadh ah ku ahaan doona tababaraha kooxda Arsenal kadib markii shaqada laga caydhiyay Unai Emery.

Tababaraha reer Sweden ayaa kulankiisa ugu horeeya hogaamin doona Arsenal kulanka ay u safri doonaan Norwich City isaga oo isha ku haya in uu kooxda ku hogaamiyo 3 dhibcood oo muhiim ah.

Ljungberg ayaa ka qayb ahaa shirkii xiddigaha Arsenal ee dhacay saaka shaqadana Looga caydhiyay tababare Unai Emery.

Tababaraha reer Spain ayaa shaqo ka caydhintiisa ka helay Raul Sanllehi xilli uu isku diyaarinayay in uu hogaamiyo tababarka ka horeeya kulanka Axada ee premier League.

Sky Spirt ayaa sheegaya in uu Ljungberg 3 arin u sheegay xiddigaha kooxda Arsenal kadib markii loo magacaabay tababaraha ku meel gaadhka ah ee kooxda.

Ljungberg ayaa la sheegayaa in uu xiddigaha kooxda u sheegay in ay isku xidhnaadaan, in ay dhanka kale qaab ciyaareedka kooxda u rogaan una dagaalmaaan maaliyada kooxda dareteed.