RASMI : Lionel Messi Oo Markii 6-aad Ee Taariikhdiisa Ku Guulaystay Abaalmarinta Ballon d’Or-ka

1839

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii 6-aad ee taariikhdiida ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adudunka ee Ballon d’Or kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay sanadka.

Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku mutaystay ku guulaysiga horyaalka La Liga oo uu kula guulaystay Barcelona iyo waliba tartanka Gool dhalinta yurub oo uu ku guulaystay.

Kabtanka Barcelona ayaa sidoo kale si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay goolal badan oo kooxdiisa ah kuwaas oo guulo ku hogaamiyay.

Messi ayaa Abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Virgil Van Dijk & Cristiano Ronaldo kuwaas oo kula tartamayay ku guulaysiga abaalmarinta.

Xiddiga reer Argentine ayaa noqday xiddiga ugu guulaysiga badan abaalmarintan isaga oo ku guulaystay markii 6-aad ee taariikhdiida.

Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku guulaystay sanadihii hore ee kala ah ahaa 2009, 2010, 2011, 2012 Iyo 2015.