DAAWO: Fanaanka Abshir Gaarane oo qirtay inuu ka mid yahay Al-Shabaab

2064

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab.

NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaadabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”.

Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.”

 

 

HALKAN KADAAWO FANAAN GAARANE OO QIRANAYO