DAAWO:- Xildhibaano Ka tirsan DFS ee laga soo doortay Puntland oo weeraray Wasiir Goodax

1900

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa Maanta ka hadlay Kilaafka dhinaca Waxbarashada ah ee u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo maamaulka Puntland.

Xildhibaanadan oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay eedeeyn u jeediyeen Wasiirka Waxbarashada dowladda Cabdullaahi Goodax Barre oo ay sheegeen inuu been ka sheegay Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa tilmaameen in Waxbarashada aan la siyaasadeyn kari, isla markaana aan loo isticmaali Karin awooda Qaranka, iyagoona xusay in Wasiir Goodax uusan shahaado diidi karin.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda ee kasoo jeeda Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in Arrinta shahaado siinta Arday deegaanada Puntland ay kala hadli doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa Mas’uuliyiinta Waxbarashada Puntland ku eedeeyay inay waxyaabaha qaarkood ay si qaldan u fasirteen, isla markaana waxaa ka dalbadeen inay joojiyaan arrimahaas ah in si qaldan wax u fasiraan.