DAAWO-Dowladda Soomaaliya oo xirtay dhamaan Goobaha Waxbarashada dalka

1999

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in la xiro dhamaanba Goobaha Waxbarashada oo ay ku jiraan Jaamacadaha mudo ku dhan 15 cisho si looga hortago faafista cudurka Coronavirus.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa go’aanka ku dhawaaqay isaga oo dhanka kale sheegay in la joojiyay Shirarka, Isku –soo baxyada iyo waliba goobaha dadku ku kulmaan oo dhamaanba qeyb-weyn ka qaadanaya xakameynta cudurka.

Wuxuu intaa ku darray in Dowladdu meel gaar ah dhigtay $5 Milyan oo dollar oo loogu tala-galay in wax looga qabto caabuqa COVID- 19 oo la sheegay Soomaaliya in ilaa iyo hadda laga helay qof kaliya oo qaba cudurkan.

Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi lahaa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.