Maamulka Somaliland ayaa dhawaan amar ku bixiyay in la karantiilo mudo 14-cisho ah si loo hubiyo in aysan qabin cudurka Caronavirus dad ka yimid Qurbaha oo magaalada Hargeysa geesay Diyaarada Ethiopian Airlines .
Rakaab dhawaan Hargeysa geesay diyaarada Ethiopian Airlines ayaa mudo 14-cisho ah la go’aamiyay in la karantiilo, waxaana dadkan maamulka Somaliland dejisay goobo xaaladooda lagula soconayo.
Sida aan wararka ku helnay guddiga Somaliland u qaabilsan kahortaga Caabuqa Caronavirus ayey ku adkaatay in ay helaan guryo iyo hotelo ay dejiyaan dadka lagu karantiilay magaalada Hargeysa.
Milkiilaha hotelka Sky iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in ay diideen in Hotelkooda lagu karantiilo dadka ka yimid qurbaha, waxa ayna sheegeen milkiilayaashan in Hotelkooda aysan u rabin dad caafimaadkooda laga shakisan yahay.
Guddiga kahortaga iyo faafida Caronavirus ee Somaliland ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen in la xiro lamaanahan diiday in Hotelkooda lagu karantiilo dadka dibadda ka yimid sida ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta Somaliland.
Maamulka Somaliland guddigan u qaabilsan kahortaga Caabuqa Caronavirus ayaa sheegay in la karantiilayo dadka ka yimaada qurbaha , waxaana guddiga la sheegay in ay ku adkaatay in ay helaan hotelo iyo guryo dadka lagu karantiilo.