Ahlu Sunna oo wasiir muhiim ah kahelay Golaha Wasiirada ee Galmudug

1877

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay saqdii dhaxe soo magacaabay 23-Wasiir oo kamid ah noqonaya Golihiisa cusub ee Wasiirada.

Wasiirada cusub uu soo magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa isugu jira kuwa laga soo kala xulay Mucaaradka iyo Muxaafadka, waxaana ka dhax muuqda siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeday doorashadiisa mucaaradna ku ahaa Xukuumada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale golaha Wasiirada cusub ee Galmudug kasoo dhax muuqday mid kamid ah Xildhibaanadii garabka Ahlu kasoo galay Baarlamaanka Galmudug, waxaana xubintan saameyn ku dhax lahaa kooxda Ahlu Sunna ee hada awoodeeda meesha ka baxday.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u magacaabay Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Garsoorka Cabdi Maxamed Fiidow (Baliile) oo katirsanaa kooxda Ahlu Sunna kana mid ahaa xubnihii kasoo galay Baarlamaanka Galmudug dhinaca Ahlu Sunna.

Wasiir Baliile ayaa sidoo kale horey uga tirsanaa Golihii Wasiirada Madaxweyne Xaaf , waxaana xiligaasi magacaabistiisa ku timid dalab ka yimid kooxda Ahlu Sunna Waljameeca uu xubin muhiim ah ka ahaa Baliile.

Sida aan xogta ku helnay Wasiirkan sidoo kale katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii wax ka doortay Qoor Qoor, inkastoo Baliile kasoo galay garabka Ahlu Sunna hadana ma uusan cadeyn in kooxdaasi ka baxay ama uu wali kamid yahay .

Golaha cusub ee Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa isugu jira siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafid isugu jira, talaabadan uu qaaday Madaxweynaha Galmudug ayaana noqotay mid hadal heyn weyn dhalisay.