Puntland Taliye Magacaabidiisa Khilaaf xoog leh uu ka dhashay oo xilka la wareegay

1593

Taliyaha cusub ee ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir iyo saraakiil kale.

Dhammaan Madaxdii hadashay ayaa u rajeeyey guul iyo shaqo wanaagsan Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Khilaaf xooggan uu ka dhashay Magacaabista Madaxweyne Deni ee taliyaha maanta xilka la wareegay iyo ku-xigeenkiisa ka dib markii uu kasoo horjeestay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash oo sharci daro ku tilmaamay.

Axmed Karaash ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabidda taliyeyaashaas, isagoo soo saaray isla maalintaas digreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni.

Siyaasiyiin, xubno ka tirsan goleyaasha Puntland iyo isimada dhaqanka ayaa ku soo baxay khilaafka ka dhex qarxay labada masuul, waxayna haatan ku howlanyihiin xalinta khilaafkaas, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah waan-waanta socota.