Chelsea oo dirqi kaga badisay Norwich City +SAWIRRO

1950

Kooxda chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda haatanba ka hadhay horyaalka premier League ee Norwich City kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa todobaadkii 36-aad ee premier League.

Saxiixa cusub ee Hakim Ziyech ayaa markii ugu horaysay yimid Stamford Bridge isaga oo daawaday kooxdiisa oo guul ka gaadhay Norwich City siina fiicnaysay rajadooda u soo bixista champions League.

Kulanka ayaa mid aad u adag iyada oo chelsea iska caabin kala kulantay kooxda Norwich City kuwaas oo u dagaalamayay kulanka waliba si fiican u difaacday chelsea-na u diiday in ay si fudud goolal ku dhaliyaan.

Xitaa Waxa ay Norwich Samaysay dhawr fursad oo goos-goos ah kuwaas oo ay ku doonayeen in ay Blues kaga naxsadaan oo ay goolal kaga dhaliyaan.

Daqiiqadii 45-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo madax qurux badan shabaqa dhexdhigay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aan wax laga sheekeeyo lahayn maadama ay Chelsea maamulaysay ciyaarta sidoo kale Norwich Difaacanaysay marka laga reebo goolka madaxa ah ee uu dhaliyay Giroud.

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Norwich City u muuqatay kuwo goolal raadinaya oo daafaca ka baxay.

Chelsea ayaa dhankeeda sii waday samaynta fursadaha iyaga oo halis galiyay goolka kooxda Norwich kuna dhawaaday in ay goolka 2-aad dhaliyaan.

Kadib fursado labada kooxoodba sameeyeen laakiin ayna wax gool ah ka dhalin waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul dirqi ah ka gaadhay Norwich City korna u sii qaaday fursadohooda u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.