Somaliland oo Mamnuucday Bandhig Faneedyada Maalmaha Ciida +VIDEO

1523

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed ayaa ka hadlay bandhiga faneedyada ama showyada ay fanaaniintu ay ku qabtaan magaalada Hargeysa iyo degaanada kale ee Somaliland ayaa sheegay in ay mamnuuc yihiin bandhigisyadaasi.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay yaraadeen bandhig faneedyada, waxaana uu mamnuucay in bandhig faneedyo lagu qabto maalmaha ciida magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland.

Waxa uu sheegay in sababaha ay u joojiyeen bandhig faneedyada ay tahay in ay ka hor imaanayaan dhaqanka suuban ee Islaamka iyo sidii looga hortagi lahaa cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay deegaanada Somaliland maadaama dadyow fara badan ay iskugu imaanayaan.
Wasiirka ayaa waxa uu amray ciidamada Booliska Somaliland inay ka hortagaan bandhig faneedyada lagu qabto magaalada Hargeysa iyo dsegaannada kaleba si loo ilaaliyo caafimaadka dadka.

Deegaano badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa waxaa maalmaha ciida fanaaniinta Soomaaliyeed ay ku qabtaan bandhig faneedyo, iyada oo dadka ay ku daawadaan lacago kala duwan halka meelaha bandhig faneedyada lagu qabanayo ay iskugu yimaadaan dad badan.