Cali Qorane oo damaanad lagu sii daayay

1632

Maxkamad ku taal Nairobi ayaa dammaanad lacageed oo dhan 3.2 Milayn oo kiinyaan ah, ku siidaysay Gudoomiyihii maamulka Gaarisa ee gobolka Soomaalida, Cali Qorane.

Waxaa laga reebay Baasaboorkisii, waxaana laga mamnuucay in uu galo xafiiskiisa.

Saaka ayaa maxkamad la soo taagay, iyada oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, ka dib markii shalay lasoo xiray.

Cali Bunow waxaa lala xiray madaxa dhaqaalaha Ismaamulkaas Ibrahim Nuur Malow, madaxa maaliyadda Maxamed Axmed Cabdullaahi, sarkaal ka tirsan dowladda hoose Cabdi Shaale iyo madaxa xisaabaadka dowladda hoose Axmed Cabdullaahi.

Waxaa lagu eedeeyay inay dembiyadaas galeen intii u dhaxaysay 25-kii February iyo 30-kii September, 2019.

Maxkamadda ayaa Cali Bunow ku sii deysay damaanad dhan Sh5m, waxaana laga mamnuucay inuu tago xafiiska Ismaamulka Garissa.