Maamulka Tigray oo diiday inay ka amar qaataan Itoobiya

1565

Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabtay in aysan qaadan doonin amarka kasoo baxa dowladda Federaalka Itoobiya, iyagoona ka hadlay sababta ay arrintaas u sameeynayan.
Dowlad-deegaanka Tigray ayaa sheegtay in laga bilaabo 5-tii bishaan Octoober uu ku ekaa xilliga Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada.

Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto.

Maamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.