Ilhaan Cumar Oo Mar Kale Guuleysatay

1425

Ilhaan Cumar oo ah Haweeney Soomaali ah ayaa ku guuleysatay Doorasho ka dhacday Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota, waxaana Illhaan Doorashada kula tartamay Musharax kale.

Illaahan ayaa mar kale ku guuleysatay kursiga koongareeska Mareykanka ee laga soo doorto Minnesota, isla markaana waxaa Xildhibaanad Illhaan ka guuleysatay Musharax ka socday Xisbiga Jamhuuriga ee Lacy Johnson.

Doorashada oo ka dhacday degmada Shanaad ee Gobolka Minnesota ayaa Xildhibaanad Illhaan Cumar heshay codadkii la dhiigtay 65%, halka Musharixii la tartamay uu iska helay Codad gaaraya illaa iyo 26%.

Haweeney Soomaalida ah ee Ilhaan Cumar ayaana mar kale la sahaciyay inay si rasmi ah ugu guuleysatay kursigeeda koongareeska Mareykanka, waxaana Musharaxa la tartamay uu ahaa mid siwey ololihiisa Doorashada ay u hadal heysay warbaahinta.

Dhinaca Maadxweynaha Mareykanka ee Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga ayaa siweyn uga soo horjeeda dib u Doorashada Ilhaan Cumar, xili ay xusid muran tahay in Trump uu ku dhegan yahay Musharax haatan ay doorashada isku haayan ee Joe Biden.