Muxuu Abiy Axmed ku diiday inuu lahadlo TPLF?

1366

Dowladda Itoobiya lama hadli doonto hoggaamiyeyaasha waqooyiga gobolka Tigree si meesha looga saaro khilaafka halkaas ka jira, sidaasi waxaa BBC-da u sheegay kaaliyaha RW Abiy Ahmed.

“Marnaba lama xaajooneyno dambiilayaasha … Waxaan horkeeneynaa cadaaladda, ma ahan inaan miiska wadahadalka la fariisano,” ayuu yiri Mamo Mihretu.

Iyadoo Gobolka Tigreegu uu weli ka socda dagaalka u dhaxeeya Ciidanka dowlada itoobiya iyo maamulka Tigreega ayaa hada waxaa caasimada Addis Ababa waxaa gaari doona wafdi Afrika ka socda, walow Xukuumada Dr Abiy Axmed ay sheegayso inay wax wadahadal ah la gelynin maamulka Tigreega.

Colaadda gobolka Tigray ay gashay isbuuci seddexaad waxaana waddamo badan oo Afrikaan ah ay dabada ka riixayaan wadahadalo dhexmara dowladda Itooobiya iyo TPLF si colaadda loo soo afjaro.

Madaxweynaha koonfur Afrika sidoo kalena ah guddoomiyaha Midoowga Afrika ayaa saddex madaxweynayaal hore oo Afrikaan ah u magcaabay inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac.

Balse dowladda federaalka ee Addis Ababa ayaa waxay marar badan diiday baaqyada loo jeedinaya in wadahadala la sameeyo, waxaana la sheegay in ergadaasi oo ah saddex madaxweyne oo hore oo Afrikaan ah ay la kulmi doonaan oo keliya ra’iisul wasaare Abiy Axmed

Mr Mamo Mihretu, oo lataliye sare u ah ra’iisul wasaraaha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa uu BBC-da uu sheegay in wadadhallada ay ku haboon yihiin kadib marka ay ka adkaadaan cidamada maamulka TPLF markaas.

Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya waxaa ku taala xaruunta dhexe ee Midoowga Afrika oo ah xaruun diblumaasiyadeed tan ugu weyn Qaarada Afrika waxaana halkaa ka bilaabmi doonta dood adag oo dhex mari doonta xukkumada itoobiya iyo ergada dalalka ay xullufada yihiin ee gobolka ku yaala.

Maxaa kale oo uu Abiy sheegay?

“Walaalaheena Afrikaanka ah door muhiim ah ayey ka ciyaari doonaan dagaalka Itoobiya hadii ay cadaadis TPLF ku saaraan iney isa soo dhiibaan laakin taasi way adagatahay oo qofna ma doonayo inuu aado Tigree ama Mekelle si uu arintaas ugu cadeeyo,” ayuu yiri Mr Mamo.

Wuxuu sheegay in hogaamiyeyaashii hore ee Mozambique, Liberia, iyo Koonfur Africa – oo lagu wado inay maalmaha soo socda soo gaaraan wadanka – aysan awoodi doonin inay booqdaan Tigray sababo la xiriira howlgalada militari ee socda.

Adeegga isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa si weyn hakad ugu yimid tan iyo markii dagaalku qarxay.

Mr Mamo ayaa intaas ku daray in dowladdu ay ku dadaalaysay sidii ay ugu ogolaan lahayd hay’adaha Qaramada Midoobay inay gargaar u fidiyaan dadka ku nool Tigray.

Milatariga Itoobiya ayaa Axaddii ku dhawaaqay iney qorsheynayaan iney qabsadaan magaalada Mekelle.

“Wajiyada soo socda waa qaybta ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la isku hareereyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, kadibna la soo afjaro dagaalka ka socda dhulka buuraleyda ah loona sii gudbayo dhanka beeraha,” Col Dejene Tsegaye, oo ah afhayeen u hadlay militariga ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka rayidka ah looga digay in madaafiic loo adeegsan doono weerarkaasi.