Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti+SAWIRRO

1381

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya MMaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa si diirran looguu soo dhaweeyay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shirka 38-aad ee aan Caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda Gobolka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa shir doceedyo waxaa ay la yeelan doonaan Madaxda ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka dalalka IGAD.