RW Rooble oo cayriyay C/risaaq Caato Xoghaye cusubna u magacaabay xafiiskiisa

1528

RW Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha cusub ee Joogtada ah ee Xafiiskiisa.

Rooble ayaa xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka qaaday Cabdirisaaq Caato oo markii labaad xilkaas waayey.

Maxamed Ibraahim Nuur Xoghayaha Joogtada cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa horey uga mid ahaa la taliyeyaasha Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen.

Lama oga illaa hadda sababta xilka looga qaaday Cabdirisaaq Caato oo ahaa nin si weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.