Wararka aan ka heleyno shirka guddiyada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xalay laga saaray Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha sii-hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Cabdi Cali Raage ayaa shalay gelinkii dambe kasoo muuqday furitaanka kulanka, taasi oo abuurtay su’aalo badan, maadaama uusan ka mid aheyn xubnaha 14-ka ah ee guddiyada farsamo ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.
Labada xubnood ee uu Rooble magacaabay inay matalaan dowladda federaalka, ayaa kala ah: Wasiirka Dastuurka Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, sidaas darteed lama yaqaan waxa shirka dhex keenay Cabd Cali Raage.
Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay qaar ka mid xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowlad qoboleedyada qaarkood waxay dood ka keeneen in Cabdi Cali Raage shirka qeyb ka noqdo, ayaga oo dalbaday inuu ka baxo, taasi oo ay ku guuleysteen, lagana saaray shirka Cabdi Cali Raage.
Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga ayaa xalay shir guddoon u doortay wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, taasi oo la filayey maadaama xubnaha guddiyada, marka laga reebo wakiilada Puntland iyo Jubaland ay taabacsan yihiin dowladda federaalka.
Ugu dambeyntii, madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdcasiis Lafta Gareen, oo ka mid madax goboleedyada taabacsabn dowladda, ayaa xalay kulan la qaatay guddiga isagoo ku dhiiri-geliyey inay natiijo wax ku ool ah kasoo saaraan shirarkooda.