Reer Gedo oo diiday heshiiskii doorashada ee lasaxiixay

1703

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay aad u dhaliileen heshiiskii dhowaan lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho gaar ahaan inta qusaysa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxweyne sharci ku maamula Jubbaland.

“Heshiiskaas qeybtiisa ku saabsan Jubbaland waan qaadacsanahay, sida aad ogtihiin dhismihii u dambeeyey ee Jubbaland waxaa isku caleema saaray ninka hada madaxweynaha ka ah, dowladda dhexe waxay u ogolaatay laba sano in doorasho kale lagu qabto, bisha 8-aad ayuuna ku egyahay waqtigii loo ogolaaday inuu Jubbaland sii maamulo, in bisha 8-aad ay Jubbaland doorasho gasho wax aan aheyn oo naga khuseeya heshiiskaas ma jiraan,” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo oo BBC la hadlayey.

Dhanka kalena siyaasiyiinta reer Gedo ee hadlay ayaa waxa ay warbaahinta inay yihiin gole reer Gedo ah oo la magacbaxay ‘Raadinta Jubbaland loo dhanyahay’ isla markaana ay ku mashquulsan yihiin sidii maamul cusub loogu dhisi lahaa seddaxda gobol ee Jubbaland la isku yiraahdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda federaalka oo is qabqabsiga dhismaheeda uu batay ayaa aad dib noogu riixay, waxyaabo badan oo aan dooneynay in lasoo dedejiyo waxaa dib u dhigay wadaxaajoodyadaan daba dheeraaday ee doorashooyinka, balse anagu wax walba waan isku daynay,” ayuu yiri Afhayeenka golaha Raadinta Jubbaland loo dhanyahay Cabdi Daahir Xasan.