Ninkii dilay madaxwaynihii hore ee maraykanka Robert F Kennedy oo lasiidaynayo

1265

Guddi cafis fidin ah oo ku sugan California ayaa u codeeyay in xabsiga laga sii daayay ninkii sanadkii 1968 dilay Robert F Kennedy (RFK) oo xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsanaa una tartamayay madaxtinnimo.

Sirhan Sirhan ayaa 53 sano ku qaatay xabsiga isagoo loo heystay toogashada Kennedy kaddib khudbad uu ka jeediyay hoteel ku yaalla Los Angeles.

Codbixinta loo qaaday cafintiisa, ayaa lagu sheegay in inkastoo uusna haatan khatar ku ahayn bulshada, haddana aysan taasi u damaanad qaadeyn inuu xor ahaado.

Go’aanka haatan wuxuu la yaallaa Barasaabka California Gavin Newsom.

“Nus qarni wax ka badan ayaa tegay,” ayuu Sirhan u sheegay guddiga cafis fidinta.

“Wiilkaas yaraa ee aan fekereynin ee aan ahaa hadda ma jiro.”

“Senator Kennedy wuxuu ahaa rajada dunida waana dhaawacay, dhammaantoodna dhib ayaan u geystay ilaa iyo haddana way i xanuunjineysaa,” ayuu intaas ku daray sida laga soo xigtay Associated Press, oo ah wakaaladda keliya ee loo oggolaaday inay ka qeyb gasho dhegeysiga cafis fidinta.

Xafiiska xeer ilaaliyaha ee degmada ee Los Angels ayaa sheegay inaysan ka soo horjeesan doonin sii deyntiisa.

Ninkan oo haatan 77 jir ah, una dhashay Falastiin ayaa markii 16-aad codsanaya cafis. Wuxuu markii la xiray kaddib sheegay in weerarka uu fuliyay sababo la xiriira in Kennedy uu taageersanaa caawinaadda uu Mareykanku u fidinayay Israa’iil. Wuxuu markii dambe sheegay inuusan xusuusan weerarka.

Go’aanka guddiga ayaa imaanaya kaddib markii labo ka mid ah carruurta Kennedy ay codsadeen in la sii daayo ninka dilay aabbahood.

“Waxaan run ahaantii aaminsanahay in maxbuus walba oo lagu helo inuusan halis ku ahayn naftiisa iyo dunida in la sii daayo,” ayuu yiri Douglas Kennedy, sida laga soo xigtay Associated Press.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN