Safiirka Ruushka u fadhiya Poland oo lawweraray +SAWIRRO

759

Dibed baxayaal ka caraysan dagaalka dalka Ruushku uu ku qaaday Ukraine ayaa Caasimadda dalka Poland ee Warsaw ku weeraray danjiraha Ruushka u fadhiya dalkaas

Dadka dibed baxayey ayaa ranji cas wejiga kaga shubay safiirka dalka Ruushka u fadhiya dalka Poland Sergei Andreyev xilli uu doonayey inuu ubax dhigo mid ka mida xabaalaha militariga Ruushka ee Warsaw oo ah goob lagu xasuusto jabkii loo geystay ciidamadii Naziyiinta ee dalka Jarmalka.

Muuqaal laga duubay weerarkan ayaa muujinaya iyada oo ranji cas wejiga lagaga dhuftay danjiraha Ruushka ee Poland, iyo dad mudarahaadaya oo ka hor istaagaya inuu ubax dhigo xabaalaha ay ku aasan yihiin askartii Ruushka kaga dhimatay dagaalkii labaad. Dadka mudaharaadaya ayaa sheegay inay ka caraysan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Debed-baxayaasha oo hareereeyey danjiraha Ruushka ayaa sitay calamada dalka Ukraine iyaga oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan dalka Ruushka sida “fashiistaha”

Dowlada Poland ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah u dhaliila dagaalka Ruushka ee Ukraine, waxaan ay martigelisaa in ka badan 3.2 milion oo ah qaxooti u dhashay dalka Ukraine oo ka soo cararay dagaalka ka socda dalkaas.